KULIYADA AFKA SOOMAALIGA IYO SUUGAANTIISA OO UU CASHAR KA JEEDIYEY CABDALLA MANSUURWaxaa kulliyada Afka Soomaaliga iyo Suugaantiisa ee Jaamacadda Green Hope cashar ka jeediyey Prof Cabdalla Mansuur oo ah Khabiir ku takhasusey Afka Soomaaliya iyo Cilmigiisa ahna shaqsigii ugu horeeyey ee qorey Qaamuuska Afka Soomaaliga ee hadda Dadka Soomaliyeed adeegsadaan.Cabdalla Mansuur ayaa ugu horeyn u Mahadceliyey Maamulka Jaamacadda Green Hope oo uu sheegey in ay wax weyn qabteen Taariikhdana galeen,Prof Cabdalla Mansuur ayaa ardeyda Kuliyada waxay weydiiyeen su’aalo la xiriira afka Soomaliga iyo Cilmigiisa iyadoo prof Cabdalla Mansuur uu Jaamacadda Green Hope ku wareejiyey Keyd Taariikhi ah .Cashar jeedintii Prof Cabdalla Mansuur ka dib waxaa ka hadley Macallimiinta Kulliyada Afka Soomaaliga iyo Suugaantiisa Prof Tooxow. Prof Suldaan, Prof Mustaf Macalin Cabdule iyo Ustaad Maxamad Farax iyagoo dhamaantood u Mahadceliyey Prof Cabdalla Mansuud oo ay sheegeen in Cashar jeedintiisa ay dhiirgelin u tahay Maamulka Jaamacadda iyo Ardeyda Kulliyadda Afka Soomaaliga iyo Suugaantiisa.