HALKAAN WAXA AAN KU SOO BANDHIGAYAA QORMO KU SAABSAN XEER AFEEDKA ( NAXWE).

 

Ugu horeyn, naxwe waa carabi af Soomaalina waxa uu ku noqonayaa xeer afeed.

  1. Haddaba waa maxay Naxwe ?

Weydiintan waxa aan uga warcelin karnaa 3 ilaa 4 warcelinood waxa ayna kala yihiin :

  1. Naxwuhu waa xubin muhiim ah oo saldhig u ah qaab dhismeedka hadalka.
  2. Naxwuhu waa ereyga saxda ah oo la dhigo meesha saxda ah.
  3. Naxwuhu waa barashada xeerar ku saabsan sida ereyadu isku badalaan qaab kooda, koox ahaanna u raacaan ereyo kale si ay u sameeyaan weedho.

 

  1. Maxaa ay fududeysaa barashada Naxwuhu ?

Waxa ay fududeysaa sida wanaagsan ee afka loogu dhawaaqo loona qoro.

 

  1. Immisa ayaa loo qeybiyaa Naxwaha ?

Waxaa loo qeybiyaa saddex qeybood.

Waxa ayna kala yihiin:

  1. Codod
  2. Qeybaha hadalka.
  3. Dhismaha weedhaha.

 

Haddaba waa maxay codod ?

Cododku waa barashada sida loogu dhawaaqo

Xarafka, ereyga iyo weedhaha.

 

Maxaa lagu bartaa qeybaha hadalka ?

Waxaa lagu bartaa erey walba naxwa ahaan qeybta uu ka tirsan yahay.

 

Maxaa lagu bartaa dhismaha weedhaha ?

Waxaa lagu bartaa sida wanaagsan ee ay ereyadu isku raac raaci karaan marka la dhisayo weedh ama weedho aan khalad lahayn oo macno la fahmi karo sameeya.

 

 

Qore: Maxamed Cawil Xuseen (Macallin Sooyaal)