HALKAAN WAXA AAN KU SOO BANDHIGAYAA QORMO KU SAABSAN XEER AFEEDKA ( NAXWE).
Ugu horeyn, naxwe waa carabi af Soomaalina waxa uu ku noqonayaa xeer afeed.
- Haddaba waa maxay Naxwe ?
Weydiintan waxa aan uga warcelin karnaa 3 ilaa 4 warcelinood waxa ayna kala yihiin :
- Naxwuhu waa xubin muhiim ah oo saldhig u ah qaab dhismeedka hadalka.
- Naxwuhu waa ereyga saxda ah oo la dhigo meesha saxda ah.
- Naxwuhu waa barashada xeerar ku saabsan sida ereyadu isku badalaan qaab kooda, koox ahaanna u raacaan ereyo kale si ay u sameeyaan weedho.
- Maxaa ay fududeysaa barashada Naxwuhu ?
Waxa ay fududeysaa sida wanaagsan ee afka loogu dhawaaqo loona qoro.
- Immisa ayaa loo qeybiyaa Naxwaha ?
Waxaa loo qeybiyaa saddex qeybood.
Waxa ayna kala yihiin:
- Codod
- Qeybaha hadalka.
- Dhismaha weedhaha.
Haddaba waa maxay codod ?
Cododku waa barashada sida loogu dhawaaqo
Xarafka, ereyga iyo weedhaha.
Maxaa lagu bartaa qeybaha hadalka ?
Waxaa lagu bartaa erey walba naxwa ahaan qeybta uu ka tirsan yahay.
Maxaa lagu bartaa dhismaha weedhaha ?
Waxaa lagu bartaa sida wanaagsan ee ay ereyadu isku raac raaci karaan marka la dhisayo weedh ama weedho aan khalad lahayn oo macno la fahmi karo sameeya.
Qore: Maxamed Cawil Xuseen (Macallin Sooyaal)